Ciidamadii ugu horeyay Boolis Maamulka Jubbaland oo Tababar looga furey Magaalada Kismaayo+Sawiro

0
Wednesday March 30, 2016 - 11:28:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii ugu horeyay Boolis Maamulka Jubbaland oo Tababar looga furey Magaalada Kismaayo+Sawiro

    Ciidamadaan uu maanta tababarka ugu furmey magaalada kismaayo ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa Laba Boqol oo Askaro waxa ayna ka mid noqdoonaan ciidamada booliska Cusub ee maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadaan uu maanta tababarka ugu furmey magaalada kismaayo ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa Laba Boqol oo Askaro waxa ayna ka mid noqdoonaan ciidamada booliska Cusub ee maamulka Jubbaland.

Tababarkani ayaa waxa uu socon doonaa muddo Saddex bilood ah, kaasoo ay bixinayaan macalimmiin ka socota ciidamada Boliiska Amisom ee Midowga Afrika.

Ciidamada tababarka loo furey ayaa laga soo kala uruuriyay Deegaanada Jubbaland, ayaa waxaa la sheegay inay qayb ka yihiin dadaalada lagu doonaayo in lagu horumariyo nabadgelyada Somaliya.

Ugu Horeytii tababarka ciidamada cusub ee booliska maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Hadley Taliyaha Booliska Amisom Anand Pillay , ayaa sheegay in muddo sanad ihi uu Jubbaland u tababari doono lix boqol oo askari, isla-markaana ay askartan bilow u tahay lixdaasi boqol.

Anand Pillay, Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, ayaa sheegay in Taliskoodu uu sii wadaayo tababarada uu siinaayo askarta cusub ee lagu biirin doono Booliska Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), ayaa Amisom kaga mahadceliyay sida ay ugala shaqaynayaan arrimaha ammaanka iyo askarta ay u tababarayaan.

 

Askartan cusub ee loo tababaraayo Jubbaland, ayaa waxaa qayb ka ah haween/dumar, kuwaa oo diyaar u ah inay ka qayb qaataan suggida ammaanka dalka.

dddddddd1

Kismaayo1-2Kismaayo-2Kismaayo2-1Kismaayo7-1Kismaayo8-1Kismaayo9-1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip