S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud oo Tababar usoo xerey 250 askari oo ka mid ah ciidanka Booliska Koonfurgalbeed Soomaaliya

0
Tuesday March 29, 2016 - 17:39:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud oo Tababar usoo xerey 250 askari oo ka mid ah ciidanka Booliska Koonfurgalbeed Soomaaliya

    Munaasabad balaaran oo ka dhacdey Dugsiga Tababarka ciidanka ali salaam ee Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka baay ayaa waxaa ka qeyb galey Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya iyo Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo Taliyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad balaaran oo ka dhacdey Dugsiga Tababarka ciidanka ali salaam ee Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka baay ayaa waxaa ka qeyb galey Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya iyo Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo Taliyaal ka kala socda kuwa midowga Africa AMISON iyo kuwa xooga dalka soomaaliya.

Askarta uu maanta tababarka ugu soo xerey magaalada baydhabo Taliyaha ciidanka booliska ayaa tiradooda gaareysa kudhawaad 250 askari oo ciidanka booliska maamulka koonfurgalbeed soomaaliya

Ciidamada tababarka logu soo gabgabeeyay baydhabo ayaa waxa la geendonaa Gobolka shabeellaha hoose uu ka arimiyo maamulka koonfurgalbeed soomaaliya

Munaasabada tabbarka loogu soo xereyay ciidamadaani ayaa waxaa ka Hadley ugu horeentii Taliyaha ciidanka booliska maamulka koonfur galbeed Generaal Ibraahim Macalin Kutub waxa uuna ka sheekeyay heerarkii usoo marey tabbaradaani kala duwan ee la siiyay ciidanka booliska ee loo tabbarayo gobolka shabellaha hoose waxa uuna u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatey tababarkaani la siiyay ciidanka 250 loo tabbarey shabellaha hoose oo ay ugu horeeyaan ciidanka midowga Africa ee Amison iyo sidoo kale dowlada UK oo bixiyeen qarashaadkii ku baxay tababarkaani

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud oo Isna goobta ka Hadley ayaa waxa uu la dar daarmey ciidanka waxa uuna kula dardaarmey ciidanka in ay bulshadooda u noqdaan daacad isla markaana ay ka fogadaan muqaadaraadka iyo waxa lamid ah Waxa uuna madaxweynaha maamulka koonfur galbeed soomaaliya ka codsadey in ciidankaan ay istaaf u noqonin masuulyiinta kala duwan ee dowlad goboleedka koonfurgalbeed soomaaliya balse loo aqoonsado in ay yihiin ciidan boolis ah laguna xisaab tami doono cid walba shaqada ay qabatey

Gaba Gabadii Munaasabada ayaa waxaa ka Hadley Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sh Aadan ayaa sheegey wax lagu farxo ay tahay dufcadii labaad ee boolis ah ee koonfur galbeed in maanta ay ku qalin jibiyaan xerada tababarka ciidanka ali salaam sidoo kale uu sheegey in ciidankaan uu ahmiyad gaar ah uu uleeyahay bulshada dagan gobolka shabeellaha hoose waxa uuna mahad gaar ah uu u celiyay dowlada UK

Munaasabada ayaa waxa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay askartii maanta tababarka loogu soo xerey gobolka baay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip