Markab dagaal oo Faransiisku lee yahay oo qabtey hub aad u badan oo Soomaaliya loo wadey

0
Tuesday March 29, 2016 - 15:28:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab dagaal oo Faransiisku lee yahay oo qabtey hub aad u badan oo Soomaaliya loo wadey

    Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigey doon sidey hub aad u badan taas oo maraysey Waqooyiga Badweynta Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigey doon sidey hub aad u badan taas oo maraysey Waqooyiga Badweynta Hindiya.

War ka soo baxay Faransiiska ayaa lagu sheegay in doonta la qabtey ay ku jeedey dalka Soomaaliya

Hubka la qabtey ayaa u badan qoryaha fudud ee AK47, boobayaasha culus, miinooyinka dhulka lagu aaso.

Shaqaalihii doonta saarnaa ayaa la sheegey in aan la garan dalalka ay ka soo jeedaan maadaama aysan wadan wax dokuminti ah.

Bilowgii bishan Maarso ayaa sidaan oo kale markab laga lee yahay dalka Australia gacanta ku dhigeen doon sidey hub aad u badan, waxaana la aaminsan yahay in hubkaani u socdey ururka al-Shabaab.

Dalka Soomaaliya waxaa saaran xayiraad dhanka hubka ah kaas oo dib loo cusbooneysiiyey sanadkii hore. Biyaha Soomaaliya waxaa waardiye ka haya maraakiib shisheeye oo ku soo hawlgaley hawlgalkii la dagaalanka burcad-badeeda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip