Maamulka gobolka Banaadir oo sheegey in ay ciidamada Amaanka ka hortageen gaari lagu waxyeelee rabay dadka shacab ah

0
Tuesday March 29, 2016 - 10:45:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka gobolka Banaadir oo sheegey in ay ciidamada Amaanka ka hortageen gaari lagu waxyeelee rabay dadka shacab ah

    Hey'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka ee NISA ayaa saaka gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka Madaxtooyadii hore ee C/qaasim ee degmada Hodan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hey'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka ee NISA ayaa saaka gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka Madaxtooyadii hore ee C/qaasim ee degmada Hodan.

Gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaano Kaarib ayaa lagu soo wargeliyay Hey’adda NISA, iyadoo durbadiiba ciidamada ay ka howl galeen, isla markaana waxyaabihii qarxa ee ku jiray ka fur furay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa dadka ka ag dhowaa halka gaariga yaalay ka saartay, kadibna waxaa lagu guuleysray in laga fur furo waxyaabihii qarxa ee saarnaa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in xog ay shacabka soo gudbiyeen looga hortagay gaariga waxyaabaha qarxa siday, lana rabay in shacab lagu dhibaateeyo.

Waxaa uu sheegay in gaariga ay ka buuxeen bambooyin iyo gumacyo rasaas, iyo shidaal, isagoo xusay in si geesinimo leh ay uga hortageen ciidamada, una fashiliyeen.

Howl gallo ballaaran ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah degmada Hodan, iyadoo lagu raad-joogo kooxo lagu tuhunsan yahay in weeraro geysan rabeen.

Gaarigan laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in la fashiliyay ka hor inta aan bartilmaameedkii loo waday la gaarin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip