Galmudug waxaan Gacanta KU haynaa Maleyshiyaad ajaanib ah

0
Tuesday March 29, 2016 - 08:32:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug waxaan Gacanta KU haynaa Maleyshiyaad ajaanib ah

    (SONNA):-Ciidamada Ammaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay Sadax nin oo Ajaanib ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabab oo ay ciidamada Galmudug dagaal kula galeen Bariga Gobalka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(SONNA):-Ciidamada Ammaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay Sadax nin oo Ajaanib ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabab oo ay ciidamada Galmudug dagaal kula galeen Bariga Gobalka Mudug.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sigidda NISA Ee qeybta Deegaanada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in la qabtay Sadax nin Laba kamid ah ay dhalashadoodu tahay Kenyan iyo nin u dhashay Dalka Tanzania, kuwaas oo qeyb ka ah maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabab, maalmihii la soo dhaafayna uu dagaal ku dhexmarayay iyaga iyo ciidamada Galmudug Deegaanka Gal Hagoog oo dhaca bariga gobalka Mudug

"Howlgalku wali dhulka Xeebaha ayuu ka socdaa, Maanta 12 Macaabiis cusub ah ayaan soo qabanay waxaa kamid ah sadex nin oo ajaanib ah labo waa Kenyan Midna Waa Tanzanian, baaris ayaa ku socota hadda, waxaana ciidamadu baacsanayaan horjoogayaashii watay dhalinyarada yar yar ee maskaxda ay ka rogeen kooxaha argagixisadaā€¯Ayuu Yire Saadax Cumar.

Abdullaahi Rabuu Mahamed oo kamid ah Ajaanibta la soo qabtay oo wareysi gaar ah Luqadda Sawaaxiliga ku siiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in iyagoo 12 Al-shabab ah laga Soo Qabtay Deegaanka Gal Hagoog oo ka tirsan gobalka Mudug gacantana ay ugu jiraan ciidamada Ammaanka.

"Magaceygu waa Abdalla Rabuu Mahamed Waxaan u dhashay Tanzania, waxaan kamid ahay Al-shabab waxaana nasoo qabtay angoo 12 ruux ah ciidamadaā€¯ayuu Yiri Abdalla Rabuu.

Waa Ajaanibtii ugu horreysay ee la soo qabto tan iyo markii maamulada Puntland iyo Galmudug ay bilaabeen howlgalladaasi lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Firxadka Kooxda Al-shabab oo illaa hadda aan si dhab loo ogeen ujeedka ay deegaanaddaasi u gaareen.

Riix Halkan Si Aad U Dhageysatid Wareysiga Tanzanian-ka Lasoo Qabtay.



 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip