Ciidanka XDS oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka sameeyay nawaaxiga Qoryooleey

0
Thursday April 30, 2015 - 22:12:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka XDS oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka sameeyay nawaaxiga Qoryooleey

    Ciidanka XDS ayaa maanta howlgal ka dhan ah Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka XDS ayaa maanta howlgal ka dhan ah Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha uruka Koobaad guutadiisa Shanaad Gaashaanle Axmed Absuge C/lle ayaa Radiyaha Cidanka u sheegay in cutubyo ka tirsan ciidanka XDS ay howlgal ku dileen mid ka mid ah maleeshiyaadka Shabaab oo gaadiidka rayidka ah ku dhibaateynayay waddada ay isticmaalaan gaadiidka aada Qoryooleey.

Gaashaanle Axmed Absuge ayaa intaasi ku daray in howlgalka ciidanka uu ku saleysnaa ka hortagga maleeshiyaad ka tirsan UGUS oo si dhuumaaleysi ah ku soo gala waddada, islamarkaana ku dhibaateeya gaadiidka ay wataan dadka rayidka ah.

Taliyaha ayaa tilmaamay in waddada ay ka nadifiyeen kooxda burcadka ah ee UGUS, isagoo xusay in meydka ninka ay ku dileen howlgalka uu yaallo caawa saldhigga booliiska ee degmada Qoryeelay, isagoo tibaaxay in ninkaasi uu ka mid ahaa meleeshiyaadka Shabaab.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlgallada ay ciidamada qalabka dalka uga xoreeynayaan maleeshiyaadka UGUS ee dhibaatooyinka xad dhaafka ah ku haya ummadda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip