S/Gaas Maxamed sh kormeeray xarumaha ciidanka booliska ee Degmada Baydhabo+Sawiro '''Dhageyso''

0
Tuesday March 29, 2016 - 07:26:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    S/Gaas Maxamed sh kormeeray xarumaha ciidanka booliska ee Degmada Baydhabo+Sawiro '''Dhageyso''

    S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliya ayaa maalinti labaad booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa waxa uu kormeeray saldhiga Booliiska ee degmada Baydhabo, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan Booliisk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliya ayaa maalinti labaad booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa waxa uu kormeeray saldhiga Booliiska ee degmada Baydhabo, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan Booliiska Federaalka iyo kan maamulka Koofur Galbeed.

Maxamed sh Xasan Xaamud ayaa waxa uu la kulmey Madaxweynaha maamulka koonfurgalbeed soomaaliya waxa uuna sheegey in ay ka wada hadleen arimaha ciidanka booliska heer fadareel

Taliyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ciidanka iyo duruufaha ay ku shaqeeyaanba ka dhageeystay saraakiisha booliiska ee uu kula kulmay saldhiga booliiska degmada Baydhabo.

Sidoo kale S/Gaas Maxamed sh Xasan Xaamud ayaa xarunta qeybta guud ee booliska koofur galbeed kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan booliska maamulka Koofur galbeed, wuxuuna kala hadlay dar dargelinta howlaha adag oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalaan.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed ayaa saraakiisha booliiska ku wargeliyay iney u diyaargarooban sanadkan tababarro sare loogu qaadayo aqoontooda la xiriirta xirtfadda booliiska, kuwaasoo uu sheegay in lagu kala qaban doono gudalha dalka iyo dibadda.

Maxamed sh xasan Xaamud ayaa shaley magaalada kismaayo tababar ugu soo furey cutubyo ka tirsan ciidanka booliska maamulka juba land



IMG_2133IMG_2146IMG_2153 (1)IMG_2158



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip