Maamulka Degmada Wadajir Oo Faah Faahiyay Horumarada Dhinaca Amniga ee ka jira Degmada

0
Monday March 28, 2016 - 11:32:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Degmada Wadajir Oo Faah Faahiyay Horumarada Dhinaca Amniga ee ka jira Degmada

    Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Abuukar Sheekh Axmed Cadow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay horumarada ammaanka ee ka jira degmadaasi, isagoo sheegay in maamulka degmada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Abuukar Sheekh Axmed Cadow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay horumarada ammaanka ee ka jira degmadaasi, isagoo sheegay in maamulka degmada uu habeen iyo maalin uu u soo jeedo xoojinta amniga.

Mudane Abuukar ayaa sheegay amniga degmada uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana taasi ay ku timid wada shaqeynta shacabka iyo maamulka degmada oo uu tilmaamay in si wada jir ah ay u wadaagaan xogaha dhinaca amniga ee ku aadan cid kasta oo amniga lidi ku ah ay soo sheegaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga degmada wadajir mudane Abuukar Sheekh Axmed Caddow oo sii hadlay ayaa sheegay howlgallo badan oo ay xaafadaha degmada  ka sameeyeen ay ku soo qabteen maleeshiyaad ka tirsan argagaxisada oo qaarkood dilal qorsheysan ka geystay degmada taasna uu kaga mahadcelinayo dadka deegaanka ee gacanta ku siiyay soo qabashada maleeshiyaadkaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Wadajir ayaa soo hadal qaaday horumarada dhinaca bilicda ee ka jira degmada isagoo sheegay in degmada horumaro kale duwan ay ka jiraan oo ay ka mid tahay dhinaca dhismaha ganacsiga iyo waliba dhisida wadooyinka oo uu tusaale u soo qaatay wadada Buula xuubeey oo dhisida laami qurux badan howsheeda ay socota oo ay gacan ka geysanayaan dadka ku dhaqan degmada, maamulka degmada, iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Degmada wadajir ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay ka socdaan horumarada kale duwan, Waxaana ka dhaqan galay barnaamijka dariseynta oo wax badan ka tareysa xaqiijinta Amniga.

DSC01315DSC01303DSC01306




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip