Ciidamada xooga dalka ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka baay oo la gaarsiiyay saanad ciidan

0
Monday March 28, 2016 - 11:13:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada xooga dalka ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka baay oo la gaarsiiyay saanad ciidan

    Mas'uuliyiinka tirsan Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa gaarey degmada bardaale ee gobolka baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinka tirsan Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa gaarey degmada bardaale ee gobolka baay.

Masuulyiinta gaarey degmada bardaale ee gobolka baay ayaa waxa ka mid ahaay wasiirka dhaqan celinta iyo hubka dhigista maleeshiyaadka, wasiirka warfaafinta iyo taliyaha ciidanka daraawiishta ee maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayagoo halkaas gaarsiiyay saanad ciidan maadaama dhowaan halkaasi ciidanka daraawiishta ka tirsan tababar loogu soo gabagebeeyay.

Ciidanka la qalabeeyay ayaa loo diyaariyay in ay sugaan ammaanka degmada Bardaale iyo deegaanada kale oo ku dhow dhow si aynan dhibaato ugu geysan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Maamulka Koofur galbeed soomaaliya ayaa dhowaanahan waday qorshe lagu qalabeynaayo ciidanka maamulkaas si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip