Isbadal Horumarineed oo laga Dareemayo Qolalka Xabisaga Dhexe ee Xamar(Sawirro)

0
Monday March 28, 2016 - 10:34:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbadal Horumarineed oo laga Dareemayo Qolalka Xabisaga Dhexe ee Xamar(Sawirro)

    Tan iyo ciidanka Asluubta Somaliyed loo magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) waxaa isbedelo kala duwan laga dareemayaa Xabsiga Dhexe ee Xamar oo maxaabiista markii hore dhibaatooyin adag ay ku qabeen nolosha xabsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo ciidanka Asluubta Somaliyed loo magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) waxaa isbedelo kala duwan laga dareemayaa Xabsiga Dhexe ee Xamar oo maxaabiista markii hore dhibaatooyin adag ay ku qabeen nolosha xabsiga.


Xilligan Xabsiga waxaa laga dareemayaa Isbedelo kala duwan oo ku aadan in Maxaabista ay helaan Nafis iyo Waxbarasho oo Xabsiga Dhexdiisa iskuulo looga furay.


Taasi waxaa u sii dheer in shalay Subax qolalka Xabsiga loo dhameystiray gelinta Shaashado TV ah oo Maxaabiista ay ka daawanayaan Ciyaaraha iyo Wararka.


Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay isbedelkaan inuu yahay mid lagu doonaayo in lagu dhiso mooraalka Maxaabiista Xabsiga.



Dhalinyarada Xabsiga ku xiran oo qaarkood kiisas kala duwan u xiran ayaa nolol cusub ku dhex dareemay Xabsiga Dhexe ee Xamar oo markii hore dhibaatooyin kala duwan ay ka jireen.


Sidoo kale Maxaabiista Xabsiga waxaa loo dhameystiray Sariiro ay ku seexdaan oo markii hore aysan laheyn.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed ayaa Markii uu Xilka la wareegay waxa uu Balan qa

aday in Xabsiyada Dalka uu Taliska ka dhigi doonno Xarun wax lagu barro Maxaabiista iyadoona hadda ay socdaan Dhismaha Xarumo loogu talo galay in Farsamada Gacanta lagu barro Maxaabiista .










Xafiiska Qeybta Warbaahinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
 

Mogadisho-Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip