Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo maanta tababar loo soo xiray

0
Thursday April 30, 2015 - 18:56:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo maanta tababar loo soo xiray

    Sarakiishan oo muddo 4 bilood ah u socday tababarkan ayaa lagu barayey Hoggaanka Taliyayaasha, horin iyo unug , ka jawaabidda qaraxyada qorshaysan iyo la dagaallanka argagixisada ayaa ah sarakiil dhawaan Taliska Ciidanka Millatariga Soomaaliya u maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarakiishan oo muddo 4 bilood ah u socday tababarkan ayaa lagu barayey Hoggaanka Taliyayaasha, horin iyo unug , ka jawaabidda qaraxyada qorshaysan iyo la dagaallanka argagixisada ayaa ah sarakiil dhawaan Taliska Ciidanka Millatariga Soomaaliya u magacaabay xilal

Ciidankan tabarka loogu soo xiray Xerada Tababarkaaga Ciidanka ee Jazeera 2 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ah 58 sargaal, waxayna soo bandhigeen waxyabahii ay barteen taasoo ay daawanayeen Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiil ka socday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed iyo Midowga Yurub kuwaasoo bixiyey tabarka. Munaasabadda ayaa Shahaadooyinka lagu guddoonsiinayey ciidankaas.

Brigadier General Antonio Maggi Taliyaha howlgalka tabbarka ciiidanka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo ugu horreyn ka hadalay xafladaasi ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen tayeynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed.

"Anigoo ku hadalaya magaca Howlgalka Tabarka Ciidanka Sooamlida ee Midowga yurub waxaana naga go;an inaan tababarno Ciidanka Soomaaliya, kuwaasi oo aan doonayno markaan tababarno kadib in ay sii tababbaraan kuwa kale, waxaanavdoonaynaa in ay noqdaan kuwa dalkooda difaaca” Brigadier General Antonio Maggi.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka ahna kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa hadal dheer oo isku jiray dardaaran iyo dhiirigelin u jeediyey Sarakiisha tababarka loo soo xiray maanta.

"Waxaan idiin sheegayaa haddii tababarkii maanta la idiin soo xiray sarkaal kasta oo idinka mid ah waxaa loo dhiiibi doonaa ciidankii loo magacaabay in uu hoggamiyo kuwaasi oo ah ciidan kale oo dhowaan loo soo xiray tababar, waana in dalka guud ahaan aad ka xoraysaan malishiyaadka UGUS”

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa horey tababarro noocaan oo kale ah gudaha dalka ugu sameeyey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo dalka dibaddiisa tababarrada ku soo qaadan jiray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip