Golaha Wasiirada oo magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta

0
Thursday April 30, 2015 - 18:50:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta

    Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay is bedel guud oo lagu sameynayo Hogaanka Ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay is bedel guud oo lagu sameynayo Hogaanka Ciidamada.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha ammaanka iyo horu socod siinta dalka.

Golaha Wasiirada ayaa la hor keenay magacaabista Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta, waxaana dood kadib ay isku raaceen soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska in loo magacaabo Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo horay u ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Ciidamada Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ahaa Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

bashir-mahamed

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Jen, Maxamed Sheekh oo sidoo kale horay u soo qabtay Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, waxaa uu xilka kala wareegayaa Ku simaha Taliyaha Booliska Jen. Cusmaan Wehliye Gas-Gas oo xilkaas loo dhiibay markii uu geeriyooday sanadkii hore Taliyihii hore ee Booliska Jen. Maxamed Faarax Ismaaciil.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale is bedelka Taliyeyaasha Ciidamada ay qeyb ka yihiin Taliyeyaasha Milateriga iyo Nabadsugida, inkastoo aan kulankii Golaha Wasiirada lagu soo qaadin, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in dib loo dhigay magacaabistooda.

Magacaabistan Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ayaa ku soo aadeysa, iyadoo la hadal hayay is bedelo guud oo lagu sameynayo Hogaanka Ciidamada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip