Kooxo hubeysan oo xalay ku dilay magaalada Baydhabo Wariye iyo Xaaskiisa

0
Thursday April 30, 2015 - 10:06:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubeysan oo xalay ku dilay magaalada Baydhabo Wariye iyo Xaaskiisa

    Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Baydhabo Wariye iyo xaaskiisa, kadib markii ay u dhaceen Guri ay ka degenaayeen xaafada Bardaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Baydhabo Wariye iyo xaaskiisa, kadib markii ay u dhaceen Guri ay ka degenaayeen xaafada Bardaale.

Sida ay sheegayaan wararka kooxahan hubeysan ayaa la sheegay in qolkii ay ku jireen wariyaha iyo xaaskiisa ay ku dileen, dabadeedna ay baxsadeen.

Wariyaha oo lagu magacaabo Daa’uud Cali Cumar ayaa ka howl galayay Idaacad lagu magacaabo Radio Baydhabo oo uu barnaamij soo saare ka ahaa.

Sidoo kale Kooxahan hubeysan ayaa meel ku dhow guriga ku dilay nin la sheegay inuu ahaa dadka ka shaqeeya farsamada gacanta.

Mas’uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa saaka gaaray guriga lagu dilay Wariyaha iyo xaaskiisa, waxaana dhacdadan ay tahay mid si aad ah looga hadal haayo magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay dad u badnaa Culumo iyo odayaal dhaqameed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip