Xulitaanka Ergada Shirka Cadaado Ka Qeyb galaya Oo Heer Gaba gaba Ah

0
Thursday April 30, 2015 - 09:56:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulitaanka Ergada Shirka Cadaado Ka Qeyb galaya Oo Heer Gaba gaba Ah

    Waxaa meel wanaagsan maraya soo xulitaanka ergada ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Gobolada mudug iyo Galgaduud ee matalaya beelaha daga goboladaasi, kuwaasi oo ka tashanaya masiirka iyo aayaha gobolada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa meel wanaagsan maraya soo xulitaanka ergada ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Gobolada mudug iyo Galgaduud ee matalaya beelaha daga goboladaasi, kuwaasi oo ka tashanaya masiirka iyo aayaha gobolada dhexe.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa laga dareemayaa mashquul aad u baahsan oo la xiriira arrimaha shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, iyadoo ay ku sugan yihiin halkaasi wufuud kale duwan oo ay qeyb ka yihiin wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb Oo shirka marti galinayo ayaa sheegay in heer gaba gaba ah uu marayo arrimaha la xiriira shirka goor dhowna la soo xuli doono baarlamaanka uu yeelanayo maamulkaasi oo dooran doono madaxweynaha maamulka mudug iyo Galgaduud oo la sugayo.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid ah musharixiinta maamulka la doonayo in la sameeyo oo galaan gal siyaasadeed ka wada magaaladaasi kuwaa oo xusul duub ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen hogaanka maamulkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip