Shirka Wadatashiga Soomaaliya OO Goor dhow ka Furmaya Garoowe

0
Thursday April 30, 2015 - 09:17:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Wadatashiga Soomaaliya OO Goor dhow ka Furmaya Garoowe

    Shirka wadatashiga Soomaaliya ee ka dhacaya Magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in goor dhow uu ka furmo magaaladaasi, iyadoo halka shirka uu ka dhacayo iyo meelaha ku dhow si aad ah loo adkeeyay sugida ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka wadatashiga Soomaaliya ee ka dhacaya Magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in goor dhow uu ka furmo magaaladaasi, iyadoo halka shirka uu ka dhacayo iyo meelaha ku dhow si aad ah loo adkeeyay sugida ammaanka.

Shirkani maanta oo khamiis ah magaalada Garoowe ka furmaya ayaa ah shir wada tashi ah oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira, iyadoo si gaar ah diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo la xiriira Hiigsiga la qorsheeyay iyo la dagaalanka xagjirnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay habeenkii labaad ku hoyday magaalada Garoowe, iyadoo uu ka qeyb galayo shirkaasi oo goob joog ay ka yihiin madaxda maamulada dalka ka jira, waxaana la filayaa in madaxweynaha uu khudbad dheer ka jeediyo shirka.

Ugu dambeyn, shirkan lagu qabanayo magaalada Garoowe ayaa wajigiisi koowaad waxaa lagu qabtay caasimadda Somaaliya,waxaana marka la soo gaba-gabeeyo laga soo saari doono qodobo la xiriira waxyaabaha la isku afagartay oo u badnaan doono hiigsiga 2016-ka iyo sida loo gaari karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip