Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Sheegtay in aysan Dowladda faragelin ku heyn Shirka Gobollada Dhexe

0
Wednesday April 29, 2015 - 21:24:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Sheegtay in aysan Dowladda faragelin ku heyn Shirka Gobollada Dhexe

    Taariikh: April 29, 2015 Ujeeddo:-Warsaxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalku, waxaa maantay oo ay taariikhdu tahay 29/04/2015, ay soo saartayWarsaxaafadeed,ku saabsan arrin ka soo yeertay qaar ka mid ah saxiixayaasha Shirka Maamul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh: April 29, 2015 Ujeeddo:-Warsaxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalku, waxaa maantay oo ay taariikhdu tahay 29/04/2015, ay soo saartayWarsaxaafadeed,ku saabsan arrin ka soo yeertay qaar ka mid ah saxiixayaasha Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud uuna ku eedeeyey in Dowladda Federaalku faragelin ku heyso shirka isla markaasna uu ku dhaliilay in Guddiga Farsamada Maamul U Sameynta Gobollada Dhexe ay ku guul dareysteen shaqadii loo igmaday.

Hadab waxaa halkaan Wasaaradda Arimaha Guduhu ku cadeynaysaa in aysan Dowladda Fedelaalku marnaba faragelin ku hayn Shirka Gobollada Dhexe, doorkeeduna uu yahay oo kaliya fududeynta qabsoomida Shirkaas iyo weliba sidii uu ku guuleysan lahaa.

 

Sidoo kale Wasaaraddu waxey cadeynaysaa in Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu yahay mid u madax banana, awood buuxdana u leh inuu go’aan ka gaaro mas’uuliyadda loo idmaday, isla markaana u tababaran inuu guto waajibaadka loo xil saaray.

 

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxey uga digaysaa farageinta qaar musharixiinta ka mid ah ay ka hayaan shaqada Gudiga Farsamad, ayna ixtiraamaan habsami u socodka shirka, taasoo ah tan kaliya ee shirku ku najixi karo.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip