Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Ceelasha Biyaha Laga Sameeyay "Sawirro"

0
Wednesday April 29, 2015 - 18:31:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Ceelasha Biyaha Laga Sameeyay "Sawirro"

    Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howl gallo lagu xaqiijinayay Amniga ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howl gallo lagu xaqiijinayay Amniga ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho,

Howl galladan ayaa waxaa si wada jir uga qeyb qaadanayay ciidamada Nabadsugida, booliska, ciidamada Booliska iyo Milateriga ee AMISOM, waxaana ciidamadan ay ku baarayaan guryaha ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha.

Illaa 207 ruux oo howl galkan lagu qab qabtay ayaa la isugu geeyay goob barxad ah, oo ku taal deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasoo markii dambe lagu kala saaray, waxaana dadka qaar la weydiinayay aqoonsi, kuwana damiin, iyadoo ciidamada ay dadkaas ka soo reebeen illaa afar ruux oo laga shakiyay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howl galkan uu ahaa mid bartilmaameed gaar ah, isla markaana la baadigoobayay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhuumaaleysanayay.

"Howl galkan waxaa ka qeyb qaadanayay ciidanka sirdoonka, ciidanka AMISOM, wuxuuna ahaa mid bartilmaameed ah, saraakiil goobahaas ku dhuumaaleysanayay ayaana howl galkan lagu baadigoobayay, dad badan oo la soo qabtay waa la sii daayay, markii la aqoonsaday, dhowr kale oo laga shakiyay waa la qabtayā€¯ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Howl galkan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa oo laga sameeyo deegaanka Ceelasha Biyaha, tan iyo intii dib loogu laabtay deegaankaas, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in howl galadii xalay ilaa saakay ka socday uu saameyn ku yeeshay.

IMG_4015IMG_4017IMG_4039IMG_4061IMG_4068IMG_4072





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip