Reysal wasaare sharmaake iyo saraakisha amaanka oo maanta hor tagayo baarlamanka

0
Wednesday March 02, 2016 - 11:33:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reysal wasaare sharmaake iyo saraakisha amaanka oo maanta hor tagayo baarlamanka

    Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo maalinimadii shalay kulan gaar ah ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ayaa ku go'aamiyay in Ra'iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Amniga ay hor-yimaadaan maanta oo Arbaco ah, si su'aalo looga weydi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo maalinimadii shalay kulan gaar ah ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ayaa ku go'aamiyay in Ra'iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Amniga ay hor-yimaadaan maanta oo Arbaco ah, si su'aalo looga weydiiyo arrimaha Amniga. Kulankan Xildhibaanada ayaa ka dambeeyay markii shalay Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska ay hor-imaan waayeen, inkastoo Wasiirka Amniga uu hor-tagay, hadana markii ay soo xaadiri waayeen Labada Taliye ayaa la fasaxay Wasiirka.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan oo ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyeyaasha Amniga ay wax ka weydiin doonaan xaaladaha amni ee dalka, gaar ahaan tan Muqdisho Inkastoo Taliyaha Booliska uu safar ugu maqan yahay dalka Tunisia, 
Sidoo kale waryaheena maxamed muuse maxamed ayaa soo sheegayo in maanta kalfadhiga baarlamaanka uu caadi ehen uuna ka soo qeyb galayo reysal wasaaraha dalka iyo saraakiisha amniga dalka 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip