Caruur ay hooyadooda qarax ku dileyn maleyshiyada kooxda UGUS oo deeq la gaarsiyay +sawiro

0
Tuesday March 01, 2016 - 16:04:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caruur ay hooyadooda qarax ku dileyn maleyshiyada kooxda UGUS oo deeq la gaarsiyay +sawiro

    Waa Todoba Carruur ah oo ka kooban afar gabdhood iyo sedax wiil waxa ay deganyihiin oo ay ku nool yihiin guri ka sameysan baco iyo cowshado la isku xir xiry oo ku yaala ex-xaruntii hore ee wasaaradda Caafimaadka oo ku dhow taaladda Daljirka Daah-soon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Todoba Carruur ah oo ka kooban afar gabdhood iyo sedax wiil waxa ay deganyihiin oo ay ku nool yihiin guri ka sameysan baco iyo cowshado la isku xir xiry oo ku yaala ex-xaruntii hore ee wasaaradda Caafimaadka oo ku dhow taaladda Daljirka Daah-soon ee Magaaladda Muqdisho,waana Carruurtii ay ka geeriyootay Allha u naxriistee Hooyo Isniino Maxamed Maxamuud oo ka mid aheyd hooyooyin Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxyadii argagixisinimo ee maleeshiyaadka nabad diidka ah ay dhawaan ka geysteen agagaarka Hotelka SYL ee Magaaladda Muqdisho.

Carruurtan ayaa ah kuwo aad u yar yar marka laga reebo Shukri Xuseen Bashiir oo iyadu ah qofka ugu weyn carruurta.

Shukri ayaa Maaxda Dowladda ugu mahad celisay sida ay uga warqabaan carruurtaan isla markaana ay maanta deeqdan u soo gaarsiiyeen.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa booqday guriga ay ku noolyihiin carruurtaas todobada ah iyo aabahood,waxayna uga tacsiyadeeyeen geerida hooyo isniino iyo intii kale la shahiiday maadaama ay ahaayeen masaakiin aan waxba galabsan’ iyagoo deeq lacag ah gaarsiiyay.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Gaboobe ‘’Ugaas Bile’’ayaa sheegay in qof walba oo Soomaaliya ay mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay in uu ka war qabo carruurtan ay hooyo la’aanta dhigeen kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii ay laayeen maleeshiyaadka argagixisada ah ayaa ka hadlay ficilada guracan ee kooxaha nabad diidka ah ay ku daadinayaan dhiiga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay talaabo ka qaadi doonto dadka taageera kooxaha xasiloonida dalka kasoo horjeeda.

Dhawaan ayay aheyd markii qaraxyo argagixsanimo ay ka dhaceen Magaaladda Muqdisho ,waxaana hallkaas qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

IMG_2284 - Copy - Copy - Copy - CopyIMG_2285 - Copy - Copy - Copy - CopyIMG_2290 - Copy - Copy - Copy - CopyIMG_2291 - Copy - Copy - Copy - CopyIMG_2294 - Copy - Copy - CopyIMG_2295 - Copy - Copy - CopyIMG_2296 - Copy - Copy - Copy - CopyIMG_2303 - Copy - Copy - CopyIMG_2304 - Copy - Copy - CopyIMG_2308 - Copy - CopyIMG_2311 - Copy - CopyIMG_2312 - CopyIMG_2327 - CopyIMG_2335 - CopyIMG_2339 - CopyIMG_2341 - CopyIMG_2351 - CopyIMG_2360IMG_2365 - CopyIMG_2366 - CopyIMG_2369IMG_2371IMG_2374 - Copy





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip