In ka badan 20 UGUS oo lagu diley dagaalkii Ceelcabdi ee Gobolka Mudug

0
Tuesday March 01, 2016 - 14:57:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan 20 UGUS oo lagu diley dagaalkii Ceelcabdi ee Gobolka Mudug

    Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelcabdi ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in dagaal culus barqanimadii maanta uu ku dhexmaray Ciidamada maamulka Galmudug iyo maleyshiyada kooxda Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceelcabdi ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in dagaal culus barqanimadii maanta uu ku dhexmaray Ciidamada maamulka Galmudug iyo maleyshiyada kooxda Shabaab.
Mid kamid ah saraakisha hogaamineyse dagaalka oo la hadley idacada ciidamada qalabka sida  ayaa sheegay in dagaal uu ahaa mid ay soo qaadeen maleyshiyada kooxda Shabaab islamarkaana dadka deegaanka iyo maamulka Galmudug oo iskaashanaya ay iska caabiyeen ayna khasaaro ku gaarsiiyeen maleyshiyadii soo qaadey wareerka 
Kudhawaad 20 ka tirsan maleyshiyada kooxda shabaab ayaa lagu diley dagaalka halka 5 kale looga dhaawacay Maleyshiyada kooxda shabaab 
Xaaladda ayaa iminka yara degan waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in inta dagaalka uu socday la isugu adeegsaday hubka cul culus iyo kuwa fud fudud intaba.
Ceelcabdi ayaa qiyaastii 20 km u jira Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug iyadoona deegaanka lagu  dagaalamay uu  hoostago degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip