dadkii ku dhawacmey qaraxyadii ka dhacay muqdisho iyo baydhabo oo dibada loo qaadayo

0
Tuesday March 01, 2016 - 09:49:50 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dadkii ku dhawacmey qaraxyadii ka dhacay muqdisho iyo baydhabo oo dibada loo qaadayo

    Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo dibada loogu qaadayo dadka aan waxba looga qaban karin dalka ee ku dhaawacmay qaraxyadii todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo dibada loogu qaadayo dadka aan waxba looga qaban karin dalka ee ku dhaawacmay qaraxyadii todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo shalay gaartay magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Axadii oo ku jira Isbitaalka guud ee magaaladaas.

"Dadaalo dibada loogu qaadayo dadkii dhibaatada soo gaartay ayaa wadnaa, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay Muqdisho iyo Baydhabo, waxaa codsi u dirnay dowladda Turkiga, howshaasna waa wadnaa, meel fiican ayay inoo mareysaaā€¯ayay tiri Wasiirka Caafimaadka.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo ayaa shalay loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayay Isbitaalka Baydhabo.

In ka badan 30 ruux ayaa ku geeriyootay, halka lix kalena ku dhaawacmeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Axadii ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip