Faalo:Maxeey mudanyihiin Shuhadadii isku dhigay Qaraxii Muqdisho

0
Monday February 29, 2016 - 18:24:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo:Maxeey mudanyihiin Shuhadadii isku dhigay Qaraxii Muqdisho

    Qormadan gogol dhig ka dib waxa ay ka tarjumaysaa dareen-wadaag u dhaxeeya Shuhadadii Qaraxyada ,Nafti-huraha nool oo ah Askarta sii wada shaqadii Shuhadada,Qooysaskooda,Dadwaynaha iyo Dawladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadan gogol dhig ka dib waxa ay ka tarjumaysaa dareen-wadaag u dhaxeeya Shuhadadii Qaraxyada ,Nafti-huraha nool oo ah Askarta sii wada shaqadii Shuhadada,Qooysaskooda,Dadwaynaha iyo Dawladda.

Maqribnimaddii Jimcaha Muqdisho waxaa ruxay Qarax lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee ka dhaca Dalka, waxeey Cadawgu u adeegsadeen gaari wayn oo ay kasoo buuxiyeen nuucyo badan oo ka kooban kuwa wax dila, waxaana bartilmaamedkoodu ahaa Hotelka SYL oo badanaa ay fariistaan Masuuliyiin badan.

Argagixisadu waxaa ay ku talo-galeen in ay qiimo kasta ha ugu kacdee gaaraan Hotelka, hase ahaatee waxaa ay ku qasbanaadeen in ay wajahaan mid ka mid ah goobaha ay Ciidamada Amaanka gaar ahaan NISA ka ilaaliyaan Wadada uu Hotelku ku yaallo,markii uu Dhagar-qabihii soo gaaray Barta Ciidanka waxaa uu isku dayay in uu gudbo hase yeeshee Askar foojigan una bareeray in aysan sinaba ugu ogolaan Cadawgu in ay u gudbaan Shacabka ay ilaalada u yihiin ayaa huwiyay Rasaas ka dibna Gaarigii halkaas ayuu ku Qarxay,Askartii Naftood hurayaasha ahaa ayaana noqday kuwii ugu horeeyay intii uu galaaftay Nafti haligaha.

Inkasta oo Qasaare baahsan uu ka dhashay Qaraxaas hadana waxa ay sameeyeen Askartii goobta joogtay wixii ugu badnaa ee laga filikaray,waxaana hubaal ah in markasta oo uu Taayirka Gaarigu usii wareego jihada uu ku socday uu sii badanlahaa Qasaaruhu.

Shaki malaha in ay ahayd waajibaad saarnaa Askarta in ay sidaas yeelaan,hase ahaatee haddii ay gudashada waajibaadkooda Qaran ee Diiniga ah ku waayeen Naftooda Su’aashu waxey tahay maxeey naga mudanyihiin iyaga iyo Qooysaskii ay ka baxeen.

Waa Dood furan oo macquul ah in ay ahayd in aanay dhicin Qaraxyadaas waana dabiici in Siyaasiyiintu ay beegsadaan hadba halka ay u arkaan in ay ku xanuujinkaraan Siyaasiyiinta kale ee Xilalka haya,balse Askarigaas huray Naftiisa ma eedaysane Siyaasadeed baa mise waa Shaqsi badbaadada Mucaarad iyo Muxaafidba u huray naftiisaa.

Waxaan iswaydiiyay haddii aan ahaan lahaa saaxiibka Askariga Shahiiday ee hadda taagan halkii uu ku geeryooday saaxiibkiis, niyadana ku haya in uu Barri marikaro Wadadii Saaxiibki waxa aan ka filikaro Dawladda iyo Dadwaynaha in ay uga jawaabaan tilaabada Askariga Shahiiday, waxaa fiiro gaar ah ii leh sida loo maamuuso Marxuumka iyo Qooyskiisa.

Waxaa jirikara waxyaabo uu Naftii-huraha nool Maskaxda ku haynkaro si uu usii Dhiirado ugana sii dhawaado Talaabadii Shahiidnimo ee Walaalihiis,Tusaale Dawladda Soomaaliya wuxuu ku eegayaa il Dareen leh,waxayaabaha uu sugayo waxaa ka mid ah in uu arko sxbkii oo Bilad Geesinimo Qaranku ku Maamuusay Geeridiisa ka dib haddiiba uusan ku helin Nolosha,wuxuu kaloo dhawrayaa bal waxa ay Dawladdu kula macaamisho Agoonta Shahiidka isagoo jeclaanlahaa in uu arko Agoontaas oo guranaya Miraha ka dhashay Dhiigga Aabahood.

Dadwaynaha Caadiga ah wuxuu Nafti-huraha nool ku eegayaa Isha kale,wuxuu ka filikaraa in uu arko iyagoo uducaynaya Shahiidka una qiraya Geesinimadiisa,waliba u arka in uu Naftiisa u huray Dartood,wuxuu kaloo rajaynayaa in uu arko Shacabka oo u heelan garab istaagga Ciidanka oo ay ka mid noqonkarto in ay qaybtooda ka qaatan halganka Badbaadada iyagoo ka caawinaya in uu helo Xogta Cadawga inta aanu galaafan Askariga iyo Shacabkaba.

Waxaa jira Dareen Xanuun leh oo mudan in ay Qormadu dul istaagto,tani waxeey tilmaamaysaa sida ay falcelinta Dhinacyada oo dhan oo ay ugu horeeyaan Dawladda iyo Shacabka kuna jiraan Siyaasiyiintu usaamaynayo Xamaasada Qooysaska kuwa Shahiiday, maxaad dareemi lahayd marka aad maqasho ama aqriso Erayada Qof ama Koox si jeesjees ah oo wadata damac gaar ah uga faaloonaya wixii dhacay iyagoo aan marna xusuusnayn Dhagaha iyo Indhaha uu ku dhacayo hadalkoodu iyo waxa uu ka dhimikaro ama ku darikaro sida ay u arkaan Shaqada Wiilashooda.

Mararka qaar Nafti-huraha nool waxa uu soo gocankaraa sababta ay saaxiibadi Shahiiday u mudanwaayeen Maqaamkii ay mutaysteen Halyeeyadii Qaran oo Soomaalidu Shacab iyo Dawladba ku Xafideen Quluubtooda iyo Diiwaanada Taariikheed ee Dalka Qarnigii hore kuwaas oo aan ka xusikaro Axmed Cabdulle Xalane iyo dhigiisa, dulucda Isbarbardhigu waxa ay tahay maxaa diidaya in aan gaarsiino kuwa Maanta Maqaamka kuwii shalay si aan u dhaxalno Maanta natiijo lamid ah tii Shalay.

Shuhadadii Muqdisho ee isku dhigay Baabuur Qarax ah si ay Qof Soomaaliyeed u badbaadiyaan kuna badashay Naftooda waa in ay ka helaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed Maamuus dhiirigalinaya Nafti-huraha nool oo ah Askariga taagan halkii ay ku shahiideen Saaxiibadi iyo Qooysaskooda oo wajahaya marxalad oo u baahan Go’aan,Geesinimo iyo Dhiiranaan balse aan micno samaynaynin haddii aanay jirin tusaale Naft-huraha siisa kalsooni,Qooyskiisana u xaqiijisa in Wiilkoodu oo u beerayo Miro ay gurankaraan noloshiisa iyo Geeridiisaba.

Gabangabadii mudnaanta Shuhadada Qaraxii Muqdishu waa in ay muujisaa farqiga u dhaxeeya Nafti-haligaha iyo Nafti-huraha, sidoo kale waa in ay Qooysaska Shuhadada siisaa fursad Qalbi qaboojin ah iyo wax ay ka dhaxlaan Dhiigga Wiilashooda, waxaa loo fasirankaraa masuuliyad wadareed ka dhaxaysa Dawladda iyo Dadwaynaha,waana halka ay farta ku fiiqayso Cinwaanka Qormada ee ah maxeey naga mudanyihiin Shuhadada Qaraxii Muqdishu.

W/Q: C/raxman Yusuf Sheekh Cadaala
Agaasimaha Wakaaladda SONNA



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip