Dowlada kenya oo beesha caalamka ka codsatey in ay taageerada u kordhiso Howlgalka AMISOM

0
Monday February 29, 2016 - 17:30:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada kenya oo beesha caalamka ka codsatey in ay taageerada u kordhiso Howlgalka AMISOM

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa waxuu ka dalbaday Beesha Caalamka in la kordhiyo Dhaqalaha la siinayo Hwlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa waxuu ka dalbaday Beesha Caalamka in la kordhiyo Dhaqalaha la siinayo Hwlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.

Kenyatta ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu u baahan yahay in lagu soo kordhiyo Ciidamo dheeraad ah iyo Diyaarado Dagaal  oo ku tilmaamay in looga awood roonaan karo Xarakada Al Shabaab.

Madaxweynaha dowladda  Kenya  ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Howlgalka AMISOM uusan weli helin ku dhawaad 12 Diyaaradood oo Sanadii 2012-kii ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay shaaciyeen in la siin doono.

Waxuu Madaxweyne Kenyatta uu sidoo kale shaaca ka qaaday in Beesha Caalamka ay ka gaabiyeen taageerida howlgalka AMISOM ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Waxa uu  Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Madaxda Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya in QM ay u gudbiyaan codsi ku aadan ka fekerka mustaqbalka howlgalka AMISOM.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip