Madaxweyne shariif xasan oo booqdey dadkii ku wax yeelobey qaraxyadii shaley ka dhacay magaalada beydhabo

0
Monday February 29, 2016 - 16:31:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne shariif xasan oo booqdey dadkii ku wax yeelobey qaraxyadii shaley ka dhacay magaalada beydhabo

    Madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay wehliyaan guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka iyo qaar kamid ah golaha wasiirada koonfur galbeed ayaa maanta waxaa uu booqday Isbitaalka weyne ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay wehliyaan guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka iyo qaar kamid ah golaha wasiirada koonfur galbeed ayaa maanta waxaa uu booqday Isbitaalka weyne ee magaalada Baydhabo halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa waxaa ay mid mid u booqday qolalka la seexiyay dadkii dhaawac ahaa isagoo xaalada dadkaasina ka wareysanayay howlwadeenada caafimaadka ee Isbitaalka.

Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya oo booqashadiisa ka dib kulan la yeeshay maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in dowladda koofur galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sameyn doonaan wixii karaankooda ah oo lagu caawinayo dadka dhaawac ah.

Agaasimaha Isbitaal guud ee magaalada Baydhabo C/fitaax Xaanshi, ayaa warfidiyeenka u sheegay in dhaawacyadii la keenay Isbitaalka ay geeriyoodeen 7 kamid ah, kuwaas oo dhaawacoodu ahaa mid aad u daran.

Sidoo kale magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa laga soo duuliyay 18 kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ka dhacay halkaasi kuwaas oo lagu daweyn doono Isbitaalada magaalada Muqdisho maadaama sida dhakhaatiirta Isbitaalka Baydhabo ay sheegeen in xaaladooda caafimaad aysan wax ka qaban Karin.

Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-shabab u jeedkoodu yahay leynta shacabka Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in la iska kaashado sidii kooxdan loo dabar goyn lahaa.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip