Shirka Madaxda Dowladda iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada oo Garoowe ka furmaya

0
Wednesday April 29, 2015 - 08:05:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Madaxda Dowladda iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada oo Garoowe ka furmaya

    Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe uu ka furmo shirka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya u dhaxeeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe uu ka furmo shirka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya u dhaxeeya.
Shalay waxaa Gaaray Magaalada Garoowe Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo maanta la filaayo in Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay tagaan Magaaladaasi si shirka uu u furmo.

Shirkaan ayaa ah mid wadatashi ah oo looga hadlaayo hanaanka Federaalka dalka Sooamaaliya, Hiigsiga 2016-ka iyo adkeynta xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaybtii koowaad ee shirkaan ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo qaybtaan ay tahay wajigii labaad oo ka dhaceysa Magaalada Garoowe.

Ammaanka Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada lagu daadiyay ciidamo badan oo amniga sugaya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip