Madaxweynaha oo ka war bixiyay shira Garoowe.

0
Wednesday April 29, 2015 - 08:18:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka war bixiyay shira Garoowe.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shallay gaaray magaalada Garoowe, ayaa sheegay in wada hadallo uu halkaasi kula qaadan doono madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya, si looga tashado midnimada Soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shallay gaaray magaalada Garoowe, ayaa sheegay in wada hadallo uu halkaasi kula qaadan doono madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya, si looga tashado midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas” ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo kaashanaya madaxda kale ee dowlad gobolleedyada in u wado dadaal iyo qorshe looga arrinsanayo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa heer isku filnaasho, muhiimna ay tahay in laga wada qeyb-qaato howshaasi, waxa uu intaa raaciyey in wadatashiyada Garoowe in ay ahaan doonaan kuwa wax ku owl ah.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in sababta uu wadatashiyada Garoowe kula qaadanayo madaxda maamul gobolleedyada in ay tahay sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dowladnimada Soomaaliya oo lagu mideysan yahay, shacabka Puntland ayuu uga mahadceliyey sida niyad samida leh ee ay u soo dhoweeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo hadal qaaday in iskaashi buuxa ay ka leeyihiin dowladda Federaalka iyo dowlaha xubnaha ah la dagaallanka iyo ka hortagga argagixisada, isagoo shacabka Soomaaliyeed guud ahaanna ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay arrintaasi uga taageeri lahaayeen dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku heysata dalka Yemen, waxa uu ku ammaanday doorka Puntland iyo Somaliland ay ka qaateen sidii ay dib u dejin ugu sameyn lahaayeen dadka ka soo hayaamaya dagaallada Yemen, dowladda Federaalka ayuu xusay in aysan ka jiifin arrimahaasi oo ay waddo dadaal lagu badbaadinayo dadkaasi Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip