Madaxweynaha oo sheegay in la xakameyn doono hubka dowladdu leedahay.

0
Tuesday April 28, 2015 - 15:24:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo sheegay in la xakameyn doono hubka dowladdu leedahay.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa in la helo ciidan qaran oo ay ku jiraandhammaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xakameyn doono hubka dowl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa in la helo ciidan qaran oo ay ku jiraandhammaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xakameyn doono hubka dowladdu ay leedahay.

Madaxweynaha oo shalay ka hadlayay furitaanka kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in guddi gaar ah oo ka kooban Xukuumadda iyo maamullada gobollada dalka ay ku howlan yihiin dhismaha ciidanka iyo sidii la isku dhafi lahaa.

"Guddi ka kooban Xukuumadda iyo maamullada gobollada waxay ku howlan yihiin dhismaha ciidanka iyo sidii ciidamada la isugu dhafi lahaa, loona qarameyn lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay hannaan lagu diiwaan galinayo hubka dowladda isla markaana suurta galinaya in askari kasta lagu koontoroollo hubka ay dowladdu siiso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintan ay ka qeyb qaadaneyso sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, maadaama ay ciidamada isu ekeysiiyaan.

"Si loo gaaro hiigsiga sanadka 2016, dowlddu waxay diyaarisay tallaabooyin ay ka mid yihiin sugida amniga, diyaarinta shuruucda dib u eegiska dastuurka iyo xuduudaha iyo waliba dhismaha maamul goboleedyo KMG ah”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka go’an tahay in sanadka 2016 ay doorasho ka dhacdo dalka, isagoo xusay in sanadkan inta aanu dhamaan ay soo gaba gabeyn doonaan waxyaabaha u haray dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip