Wasiirka Gaashaandhiga oo dalka Kenya uga qeyb galaya Shir looga hadlayo Iskaashiga Amniga

0
Tuesday April 28, 2015 - 15:15:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhiga oo dalka Kenya uga qeyb galaya Shir looga hadlayo Iskaashiga Amniga

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Kenya, halkaasoo uga qayb gali doono shir looga hadlayo Amniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Kenya, halkaasoo uga qayb gali doono shir looga hadlayo Amniga

Wasiirka ayaa waxaa ku sii sagootiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo uu ka mid yahay Abaanduulaha Ciidamada Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi.

Shirka uu Wasiirka uga qeyb galayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku saabsan iskaashiga amniga iyo xoojinta taageerada dhinaca ciidamadan, waxaana Wasiirka uu la kulmi doona Saraakiisha dhanka Ammaanka ka taageera Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay inuu kulanka uu uga qeyb galayo dalka Kenya uu ku hordhigi doono arrimo badan oo ku saabsan ammaanka dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo ciidamada, si ay awood ugu yeeshaan sugida amniga.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa dhowaan sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in Ciidamada la qalabeeyo, isla markaana la tayeeyo, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dhismaha ciidamada, si sanadka 2017 ay Ciidamada amniga ugala wareegaan AMISOM, waxaana dhowaan tababar loo soo xiray Saraakiil ka tirsan ciidanka.

135




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip