Wasaarada Gashaandhiga Dalka Kenya Oo Sheegtay In Hawlgal Ay Ka Sameeyeen Xuduudka Kenya Iyo Soomaliya Ay Ku Dileen Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Alshabaab

0
Tuesday February 02, 2016 - 13:05:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Gashaandhiga Dalka Kenya Oo Sheegtay In Hawlgal Ay Ka Sameeyeen Xuduudka Kenya Iyo Soomaliya Ay Ku Dileen Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Alshabaab

    Wasaaradda gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in afar ka tirsan Maleyshiyada Kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidamada Kenya ka sameyeen xududda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in afar ka tirsan Maleyshiyada Kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidamada Kenya ka sameyeen xududda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay keymaha Boni ee xuduudda Soomaaliya, lagu dhaawacay laba kale, kuwaas oo baxsaday ayaga oo dhaawac ah.

Kenya waxa ay sheegtay in howlgal uu yimid kadib markii ciidamada ay heleen raadka baabuur Ford Ranger ah, oo bishii December ay Al-Shabaab ka xadeen ciidamada, kadibna ay eryadeen.

Waxaa warsaxaafeedka lagu sheegay in ciidamada ay soo furteen baabuurkaas, iyo sidoo kalena qoryo AK-47 ah, saddex bastoolad, waxyaabaha qarxa iyo aaladda hagta babauurta ee GPS, oo ay Maleyshiyada Kooxda Al-Shabaab siteen.

Dowlada Kenya waxa ay sheegtay in wax khasaare ah uusan ciidamadeeda kasoo gaarin howlgalka ay qasaaro ugu geesteeyn maleyshiyada Kooxda shabaab





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip