TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA QALABKA SIDA AHNA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEQ AYAA KA HADLEY INTII UU KU SUGNAA ETHOPIA KULUMADII UU LA QAATEY MADAXDA BEESHA CAALAMKA

0
Tuesday February 02, 2016 - 11:41:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA QALABKA SIDA AHNA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEQ AYAA KA HADLEY INTII UU KU SUGNAA ETHOPIA KULUMADII UU LA QAATEY MADAXDA BEESHA CAALAMKA

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ahna Taliyaha Guuud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley Shir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ahna Taliyaha Guuud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley Shir Madaxeedkii 26-aad ee Midowga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay intii uu ku sugnaa Ethopia in uu la kulmay Madax kala duwan islamakaana a kawada hadleen Arimo Dhowr .
waxa uu si gaar ah usoo hadal qaaday madaxweynaha Kulan ay isla qaateen Ra'iisul wasaaraha Ethopia Hailemariam Desalegn Isagoona sheegay in ay kawada hadleen Xiriirka labada Dal iyo in la sameeyo Iskaashi Dhaqaale iyo Mid Amni oo labada dhinac dhex mara .
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhinaca kale sheegay in Shir madaxeedkii 26 aad ee Midowga Afrika inta badan looga hadlay Horumar Soomaaliya iyo Dadaalada Dowladda ay ugu jorto Xasilinta Dalka Waxaana uu madaxweynaha Xusay in Midowga Afrika uu soo dhaweeyey Isbadalka Horumarineed ee Soomaaliya ka socda .
Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Addis Ababa waxa uu Shir guddoomiyay, shir madaxeed ay isugu yimaadeen dalalka Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Heeganka ee Bariga Afrika, iyadoo kulankaasina looga hadlayey xasaradda ka aloosan dalka Burundi.
Kulamadii ugu muhiimsanaa ee Madaxweynuhu la qaatay madaxda caalamka intii uu socday Shir Madaxeedka Midowga Afrika, waxaa ka mid ah kuwo uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyna Masar, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo diblomaasiyiin kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip