Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa

0
Saturday January 30, 2016 - 18:18:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa

    Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addi Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kaasi oo diiradda lagu saarayo colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addi Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kaasi oo diiradda lagu saarayo colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan inta uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale.

Shirkan ayaa la tilmaamay inaysan ka soo qeyb gelin Madaxweyneyaasha Dalalka Burundi iyo Koonfurta Sudan, kuwaasi oo ay si toos ah u quseyso arrimaha shirka looga hadlayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip