dhalinyaro is abaabulay oo xoola dhaqata ah Oo dagaal kala hor tagay Al shabaab

0
Saturday January 30, 2016 - 18:11:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dhalinyaro is abaabulay oo xoola dhaqata ah Oo dagaal kala hor tagay Al shabaab

    Wararka uu Radio Muqdisho ka helayo deegaanada Miiga ah ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay dhalinyaro is abaabulay oo xoola dhaqata ah in ay dagaal kala hor tageen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka uu Radio Muqdisho ka helayo deegaanada Miiga ah ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay dhalinyaro is abaabulay oo xoola dhaqata ah in ay dagaal kala hor tageen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabaab

 kuwaas oo dhawr jeer xoolo uga qaatay wax ay ku sheegeen Sako,

Waxaana iska hor imaadyo dhawr ah ay ka dheceen deegaano hoos yimaada Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaas oo lagu soo waramayo in qasaaro dhimasho iyo dhaawacba uu kala gaaray Maleeshiyaadka dagaalay ee Al shabaab iyo dadka deegaanka.

Goob joogayaal la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay dhawr mar weeraro dhexmaray dadka deegaanka iyo Maleeshiyada Al shabaab in qasaaro loogu gaystay Kooxda Al shabaab,

Maaddaama dhalinyarada deegaanka ay aad u kala yaqaanaan dhulalka Baadiyaha ah ee ay shabaab kula dagaalameen, iyagoo ku dhawaad 10 maleeshiyaadka Al shabaabna lagu dilay weeraro kala duwan oo dhacay todobaadkii ina dhaafay.

Dhinaca kale maanta magaalada Baladweyne ee xaruta gobolka Hiiraan, waxaa la soo gaarsiiyay Dhaawaca ilaa 5 ka tirsan dhalinyaradii deegaanka ee Al shabaabka la dagaalamay kuwaas oo hada dhaawacyadooda lagu daweynayo Cusbitaalka guud ee magaalada B/weyne.

Xildhibaan nuur Iidoow Beyle oo ka mid ahaa xubno Barlamanka Soomaaliya ka tirsan oo maanta ku booqday Dhaawacyadaasi Cusbitaalka magaalada B/weyne ayaa sheegay in xildhibaan ahaan ay gacan siin doonaan dadka deegaanka maaddaama ay xaq u dirir yihiin.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolkaasi iyo kuwa midowga Africa ee Amissom ayaa hadda gobolkaasi ka wada dhaq dhaqaaqyo Ciidan kuwaas oo jeedkoodu yahay sidii gobolka looga saari lahaa guud ahaan argagixisada Al shabaab oo hada dhulal Baadiyaha ku dhuumanayay halkaas o shacabkana ay ku dhibaateeyaan si ka hor inta aan la dhisin maamulka labada gobo lee Hiiraan iyo shabeelada dhexe gobol u uxor uga ahaadoAl qaaidda.

vlcsnap-2016-01-30-21h12m14s198 vlcsnap-2016-01-30-21h17m07s64 vlcsnap-2016-01-30-21h17m13s115 vlcsnap-2016-01-30-21h18m04s117 vlcsnap-2016-01-30-21h18m11s188 vlcsnap-2016-01-30-21h18m32s142 vlcsnap-2016-01-30-21h19m58s238 vlcsnap-2016-01-30-21h20m04s37 vlcsnap-2016-01-30-21h20m09s91 vlcsnap-2016-01-30-21h21m26s87




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip