Hawlgal lagu soo qabtay Hub iyo Maleeshiyaad oo Ceelasha biyaha laga Sameeyay"Sawirro"

0
Friday January 29, 2016 - 19:06:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawlgal lagu soo qabtay Hub iyo Maleeshiyaad oo Ceelasha biyaha laga Sameeyay"Sawirro"

    Hawlgalkaan oo ay si wadajir ah u sameynayeen Ciidanka hay'adda Nabad Sugidda Qaran ee NISA, Booliska, Militariga, iyo kuwa Amissom ayaa xalay waxa ay ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, Degmada Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalkaan oo ay si wadajir ah u sameynayeen Ciidanka hay'adda Nabad Sugidda Qaran ee NISA, Booliska, Militariga, iyo kuwa Amissom ayaa xalay waxa ay ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, Degmada Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose,

halkaas oo guryo ku yaala ay ku  bartilmaameedsadeen maleeshiyaadka ka tirsan Al shabaab.

Ciidanka oo ku sucday bartilmaameed qorsheysan ayaa isku faafiyay xaafadaha deegaankaas Ceelasha biyaha, iyagoo gurya ku yaala baaritaano ka sameeyay,

Waxaana mid ka mid ah guryihii ay baartitaanada ka sameeyeen ay kala kulmeen iska Caabin ka timid maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay oo Ciidanka ay macluumkoodu horay u hayeen, iyadoo halkaasi lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyaadkii ku sugnaa, waxaa sidoo kale goobta ku dhintay ciidankii amniga.

Ciidamada ayaa ugu dambayn ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hub iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al shabaab kuwaas oo sida Sirdoonka qaranka ay soo wariyeen qorsheynayay in ay abaabulaan weeraro ay ka fuliyaan magaalada muqdisho gaar ahaan goobaha ay bulshadu isugu timaado si ay qasaare shacab u gaystaan.

vlcsnap-2016-01-29-17h26m14s72 vlcsnap-2016-01-29-17h26m40s73 vlcsnap-2016-01-29-17h26m43s105 vlcsnap-2016-01-29-17h26m46s135 vlcsnap-2016-01-29-17h26m54s208 vlcsnap-2016-01-29-17h26m56s236 vlcsnap-2016-01-29-17h26m59s6  vlcsnap-2016-01-29-17h27m04s55 vlcsnap-2016-01-29-17h27m12s133 vlcsnap-2016-01-29-17h27m15s161 vlcsnap-2016-01-29-17h27m18s195 vlcsnap-2016-01-29-17h27m30s60  vlcsnap-2016-01-29-17h27m41s173  vlcsnap-2016-01-29-17h28m07s175 vlcsnap-2016-01-29-17h28m10s208 vlcsnap-2016-01-29-17h28m13s231   vlcsnap-2016-01-29-17h30m40s170 vlcsnap-2016-01-29-17h31m11s219




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip