Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

0
Friday January 29, 2016 - 19:00:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

    Waxay ahayd, habeen Jimca ah, 21 kii January oo ku beegneyd todobaadkii ina dhaafay, qaar badan oo ka mid ah dadkii ku sugnaa, Maqaayadda uu Weerarka ka dhacay ee Liido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ahayd, habeen Jimca ah, 21 kii January oo ku beegneyd todobaadkii ina dhaafay, qaar badan oo ka mid ah dadkii ku sugnaa, Maqaayadda uu Weerarka ka dhacay ee Liido

See Food, waxa ay dhawrayeen gudashada Waajibaadka Salaadda Cishaha oo daqiiqado kadib la gali lahaa,

Hooyooyin, Caruurtooda ku farxad galin lahaa Xeebta Liido ayaa ku sugnaa qaybta dambe ee Maqaaxidda, si habeen kaas Jimca ah ay u dareemaan, neecaawda iyo Udgoonka Badda,

Dhalinyaro intooda badan Ixtixaanadii Jaamacadaha  u soo idlaaday ayaa qayb ka ahaa dadkii nasiinada u joogay Liido, si daganaasho maskaxeed ay u dareemaan,

Waxaase farxaddii iyo dareenkii la qabay mar qura baddalay, dhawaqa Qarax gilgilay quluubta inta badan dadkii Xamar ku sugnaa, iskaba daa kuwii habeenkaasi Liido farxadda u soo doontay,

Qof kastaa oo ka mid ah dadkii Maqaaxidda ku sugnaa, waxa uu aaday Jihada uu islahaa waad ku baddbaadeysaa, waayo badankoodd waxa ay rumeysnaayeen in weerar ku soo xigo qaraxa dhacay,

Waana sifooyinka qallafsan ee ay argagixisadu ka barteen waqtiyo badan lakin caruurtii haben kaasi maqaaxidda ku sugnaa ma garan Karin, waxa dhacay iyo waxa xiga, wayse dareemeen in farxaddii ay ku jireen ay is badashay.

Hooyooyinkii goobta ku sugnaa, naftoodii ka sokoow, waxa ay u walwaleen habeen kaasi Caruurtoodii ay farxadda u keeneen kadib markii qaarkoodd ay afka labadii yeeriyeen, ileyn Hooyo marwalbaa way naxariis badan tahay.

Waxaase u xigay, rasaas jiha walbaa kaga timid.

Hooyooyinka qaar waxey fursad u heleen, in caruurtoodii la cararaan, si ay gabbaad ugu helaan.

Qaarbaase dusha aadiyay kooxihii rasaasta soo ridayay, iyagoo laabta ku haysta caruurtooda, si rasaasta lagu soo ridaayo ay iyaga ugu ekaato, maxaa yeelay dareenka hooyanimo ayaa tilmaantiisu sidaa tahay.

Waxaanse is waydiiyay, maxaa garashada iyo caqliga ka qaaday kooxaha weerarka soo qaaday?

Qof ka mid ah dadkii habeen kaasi go’doomay ayaa ii sheegay in dhawaqa rasaasta iyo kan caruurta uu si isku mid ah u maqlaayay ilaa dhawr daqiiqo.

Mar kale Ayaan hadana is waydiiyay, war dhagar qabuhu miyaanu ahayn noole uu alle naxariis galiyay maxaa u diiday in dareenkiisu hal daqiiqo xitaa shaqeeyo dhawaqa caruurtaasi yar darteed?

Waxaan maleeyay hadana in dhagaxyo sida  Computer ka oo kale rimuud laga hago in ay yihiin raga weerarka soo qaaday mar hadaanu damqasho yar soo galin, waxaase xaqiiqsaday mar kale markii aan arkay Maydadkooda oo ciidanka amnigu ay dileen.

Ciidankii amniga ee u gurmaday badbaadinta la haystayaashii argagixisadu go’doomisay ayaa goobta isku gidaamay weerarkii kadib, si ka hor intaanu gudaha u galin xarunta uu weerarka ka socdo ay u qorsheeyaan habka cadawga loo wajahaayo,

Waxaase igu maqaalaa, in qaar ka mid ah Ciidanku maqleen dhawaqa canug yar oo hooyadii ka dul barooranaayo, Ilmo ayaa soo dhaaftay askartii hawlgalka soo aaday qaarkood, misana qaarbaaba is celin waayay Uur xumada meesha taala darteed, waxeyna u daateen goobtii uu cadawga ku jiray si canuga yar ugu yaraan marka hore loo badbaadiyo,

Waxaase hubaal ah, in aan marna la is garab dhigi Karin askariga baroorta canugaasi naftiisa kaga qiima badnaatay, iyo dhagar qabaha isagoo dhawaqa canugaas maqlaya rasaasta ku ridayay.

Argagixisadu, waa  uun aan la aqoon

Waana aadane aan dareen la wadaagin

Inta Eebeheey  dunida uu keenay.

waxaana ku soo gaba gabeyn lahaa qormadeyda, waa xanuun aan la xamili karin, waa xaajo aan xisaabneyn, waana xasuuq Xagjiruhu ku soo shiray ee Soomaali dhoohaney xaalkiina yaa garan?

WD Mustaf Maxamed Warcaddeeye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip