Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidamada lugta ee dalka Sweden

0
Tuesday January 26, 2016 - 17:35:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidamada lugta ee dalka Sweden

    Taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada ay dawladda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada ay dawladda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, waxana Taliyaha Xooga uu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay yihiin wadamo saaxiibo ah isla markaana labada dhinac iska kaashanayaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tababarka Ciidanka Xoogga dalka.

Brig. General Stefan Andersson Taliayaha Ciidamada Lugta ee Sweden oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa Mahadcelin u jeediyay saraakiisha Ciidanka Soomaaliyeed sida wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen, waxaana uu sheegay in Soomaaliya dhibaato badan soo martay hase yeeshee ay ka soo kabanayso dhibaataadaas. wuxuna xusay in dawladda Sweden ay kordhin doonto taageerada ay la garab taagan tahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden ayaa tacsi u direy ehellada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuna sheegay Taliyihu in Goobdoon uu ahaa muwaadin muddo dheer u soo shaqaynayay dadka iyo dalka Soomaaliyeed taariikhna uga tagey.

DSC01542 (1)



DSC01510



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip