Madaxweynaha soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahed ee ku timid xildhibaan Xuseen Warsame Samatar

0
Sunday January 10, 2016 - 20:10:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahed ee ku timid xildhibaan Xuseen Warsame Samatar

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii, Baarlamanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ka tirsanaa Baarlamanka Federaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii, Baarlamanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ka tirsanaa Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Xildhibaan Xuseen Warsame uu ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga soo shaqeeyey dib u heshiisiinta, mar bandanna naftiisa ay khatar u gashey isagoo gudanayaa waajibaadkiisa qarannimo ee nabad raadinta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu qaranka u hayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip