Madaxweyne xasan sheeq oo sheegey in toddobaadkan ay dowlada horkaceyso kulamo muhiim ah oo siyaasadda dalka lagu gorfeynayo

0
Sunday January 10, 2016 - 12:35:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne xasan sheeq oo sheegey in toddobaadkan ay dowlada horkaceyso kulamo muhiim ah oo siyaasadda dalka lagu gorfeynayo

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan horkici doonta kulamo iyo shirar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan horkici doonta kulamo iyo shirar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in toddobaadkan uu dhacayo shirkii wadatashiga ee lagu ballansanaa inuu Kismaayo ka dhaco, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacaya kulamo hordhac ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyneyaasha maamullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulamadan hordhaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doona xiriirka ka dhexeeya maamullada, xalinta wixii tabashooyin ah oo jira, dhameystirka heshiiskii lagu soo afjarey colaaddii Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka sare ee wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sannadkan 2016-ka.




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip