WASIIRKA DIINI OO MUQDISHO KU QAABILEY XUBNO KA SOCDEY WASAARADA DIFAACA Boqortooyada Ingiriiska

0
Sunday January 10, 2016 - 12:35:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA DIINI OO MUQDISHO KU QAABILEY XUBNO KA SOCDEY WASAARADA DIFAACA Boqortooyada Ingiriiska

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Saraakiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Britain taageerada xoogan ee dawladdoodu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhanka Ciidamadda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Saraakiisha ay isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in  mar walba muhiim tahay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud  u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.

"Wafdiga ka socda dawladda Ingiriiska oo Hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada Dawladda Ingiriiska ee Ciidanka Qaranka. Waxayna balan qaadeen in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidanka si loo dardar geliyo  dagaalka lagula jiro Cadowga”.

"Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ay khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntey, Si aan u xoojino dagaalka lagu ciribtirayo mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiir Diini.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ay goob-joog ahayd Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya iyo Diplumasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.

20160109_090818_resized_1 20160109_090858_resized_1 20160109_095251_resized_1





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip