TALIYHA GUUD EE CIIDAMADA QALABKA SIDA AHNA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALEY SANAD GUURADII LABAAD EE KASOO WAREEGATEY MADAXWEYNE GAAS

0
Saturday January 09, 2016 - 10:40:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYHA GUUD EE CIIDAMADA QALABKA SIDA AHNA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA QEYB GALEY SANAD GUURADII LABAAD EE KASOO WAREEGATEY MADAXWEYNE GAAS

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeybgalay xuska sanadkii labaad ee uu xilka hayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasi o ay ka qeyb galeen mas'uuliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeybgalay xuska sanadkii labaad ee uu xilka hayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasi o ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah, maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda xuska sannad-guurada labaad waxaa kaloo qayb-galay Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee dalka Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, siyaasiyiin, Ganacsato, Isimo iyo Marti sharaf kale, waxaana intii munaasabaddu socotey lagu soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado wacyigelin ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada kala duwan ee Puntland ka samaysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaala iyo siyaasadda.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland oo caawa labo sano jirsatey ay ku tallaabsatay labadii sano ee ay soo shaqaynaysey guulo la taabankaro hadday ahaan lahay dhinacyada kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda intaba.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad taariikhi ah kajeediyey madasha ayaa ku dheeraaday sooyaalk Puntland iyo doorkii ay kaciyaartay siyaasadda iyo dhinacyada kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku ammaanay midnimada iyo isku duubnida shacabka Puntland, taaso ah mid mudan in ay kaga daydaan maamulada kale ee dalka kajira, isagoo tilmaamay in ay muhim tahay in la tixgeliyo aragtida shacabka Puntland ee ku aadan doorashooyin lafilayo dalka inay ka qabsoomaan.

IMG_6749IMG_6750IMG_6756IMG_6765IMG_6782IMG_6786IMG_6808IMG_6815IMG_6841IMG_6858IMG_6867IMG_6875IMG_6887IMG_6895IMG_6902IMG_6925IMG_6933IMG_6941IMG_6943IMG_6953IMG_7007IMG_7020IMG_7059IMG_7089IMG_7093IMG_7095IMG_7097IMG_7101IMG_7143IMG_7150IMG_7164IMG_7187IMG_7306IMG_7311IMG_7322IMG_7344IMG_7387IMG_7416IMG_7454IMG_7478






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip