Afhayeenka Baarlamaanka soomaaliya mudane maxamed sh ismaan jawaari uu wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb+sawiro

0
Friday January 08, 2016 - 08:27:24 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Baarlamaanka soomaaliya mudane maxamed sh ismaan jawaari uu wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb+sawiro

    Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad eeGolaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Baarlamaanka waxaa wehliya Guddoomiye ku xigeenka Labaad eeGolaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, 25 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradahamagaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshadaiyo mas'uuliyiinta Ahlu Suna Wal Jamaaca ee gobollada Dhexe.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlaymunaasabad soo dhaweyn aheyd oo wafdiga loogu sameeyey xaruntaMadaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey shacabka

iyo maamulka halkan sida ay usoo dhaweeyeen waxaana dhanka kale ayXildhibaannadu tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib uheshiisiin dhab ah.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaanka Culumaa’udiinka Ahlu SunaWal Jamaaca ee gobollada Dhexe oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugamahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay u


aqbaleen marti qaad ay u fidiyeen waxaana uu dhanka kale tilmaamayiney soo dhaweynayaan wafdiga wax walba oo ay u keenaanna ay diyaar uyihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka JamhuuriyaddaFederaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo munaasabaddahadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn yiri "maanta waa maalin
taariikhi ah, uma ahan taariikhi in aan Dhuusomareeb nimid laakiinwaxey ku tahay in nin meel ku oodan oo aan u nimid inaan shacabkiisala heshiisiinno uu na cambaareeyo, waxa aan u nimid inaan dhageysanocabashadiinna maadaama aad tihiin shacabka aynu metelno” .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed SheekhCusmaan "Jawaari” oo gebagebadii jeediyey Khudbaddii ugu dambeysayayaa u mahad celiyey maamulka iyo shacabka gobollada dhexe sida ay usoo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu yiri " waxaan ahay ergey uu soodiray Madaxweynaha Soomaaliya, nabadda iyo midnimadda UmaddaSoomaaliyeed marna gor gortan kama galeyno waxaa la joogaa xiligiiisku tanaasulka waxaanna codsaneynaa inaad nabadda nagu raacdaan,dowladda diyaar ayey idiin tahay” .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyowafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo caawa ku hooyan doona magaaladaDhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulammo la qaadandoonna qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Ahlu Sunna eegobollada dhexe.

2d9a0242-42e3-4447-9996-310c3e555c1b2f23ce22-6aa6-43a7-bfd5-a08b4ce3484f6c9fa829-304b-40b7-b4ab-0e4e03762ed881eab79d-e808-4e2e-b2e6-ad7e2f3b595b248fb953-7218-4419-8742-b6a163ccbbd85392bf8b-9d47-40e4-bd55-faacdcd85d84405593f0-c1ac-4e05-9f88-d66a777ea8f11218886a-7134-4bc3-ae5a-2fc8e059e304ac9ab435-8e49-444a-8ff5-b1691dda9b49b62944af-cd45-4c0d-a4cc-65b4c24ce33cc98940f3-2957-4f82-abf2-55442b513890dee50f6b-50e9-4bbd-aba0-a7678adc2994



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip