Madaxweyne Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso+sawiro

0
Thursday January 07, 2016 - 21:43:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso+sawiro

    Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Bosaso, bulshada qeybaheeda kale duwan iyo madax kale oo magaalada Boosaaso u jooga ka qayb galka munaasabada furitaanka Garoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Bosaso, bulshada qeybaheeda kale duwan iyo madax kale oo magaalada Boosaaso u jooga ka qayb galka munaasabada furitaanka Garoonka Bosaso.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ah sidii uu xariga uga jari lahaa garoonka diyaaraduhu ku soo degaan ee Bosaso, Xasan Sh Maxamuud ayaa ah markii u horaysay uu yimaado magaalada Bosaso tan iyo inta uu xilka qabtay.

Magaalada waxaa maanta soo gaaray wafuud kale duwan oo uu ka mid yahay Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,  kan Talyaaniga oo labada Dowladoodba ay gacan ka geysteen dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa Boosaaso isla markaana uu sheegay in uu Isbadel ka dhacay Puntland ka dib markii Garoon caalami ah laga hirgeliyey.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yimaado Bosaso, isla markaana u mahad celiyey dhammaan dadkii ku soo dhaweeyey magaalada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ku daray in Puntland laga dareemayo isbedel weyn kadib markii laga hirgaliyey garoon caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in ay dhacda munaasaddii xariga looga  jarayey  garoonka Bosaso, taasi oo ah mid taariikhi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip