Guddoomiye Watiin" Ciidamo Gaar ah ayaan U sameynay Amniga Beydhabo"

0
Wednesday January 06, 2016 - 11:16:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Watiin" Ciidamo Gaar ah ayaan U sameynay Amniga Beydhabo"

    Guddoomiyaha Magaalada Beydhabo ee Gobolka Baay Mudane C/llahi Cali Watiin oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay dajiyeen Qorsheyaal lagu sugayo Amniga Magaalada Baydhabo, isagoo Xusay in ay Diyaariyeen Ciidamo Gaar ah oo loogu tala g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Magaalada Beydhabo ee Gobolka Baay Mudane C/llahi Cali Watiin oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay dajiyeen Qorsheyaal lagu sugayo Amniga Magaalada Baydhabo, isagoo Xusay in ay Diyaariyeen Ciidamo Gaar ah oo loogu tala galay in ay sugaan Amniga Beydhabo.

"ciidamadaan aanu sameynay waxa ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan kooxaha falalka Amni darro ka geysanaya Gobolka Gar ahaan Magaalada Beydhabo” Ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi Cali Watiin.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa faafaahin ka bixiyey Howlgall Ciidamada Amaanka ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Beydhabo.

Howlgallada ayaa lagu soo qab qabtay sida uu  sheegay guddoomiyaha Shaqsiyaad falal amni darro ku howlanaa iyo Malleeshiyaad Al-Shabaab ka Tirsan.

Guddoomiye Wakiil ayaa sheegay in Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in ay ku Tallaabsatay Horumarro ballaaran oo dhanka Arrimaha Bulshada.

Waddooyinka dhexmara Magaalada Beydhabo ayaa waxaa lagu sameeyay dib u dayactir,  waxaana laga hirgaliyey Leerarka Cadceeda ku shaqeeya  taas oo ka dhigan Horumarka Magaalada Beydhabo inuu si xoogleh u socdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip