Wasiirka amniga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen fashilinta werarada Al-Shabab ay la damacsanayeen Ummadda Soomaaliyed, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan howlgallada looga hortagayo falalka ay maleegayaan argagixisadu.

"Meelaha shacabka ay leeyihiin marka ay weerar ku soo qaadaan hay’adaha amniga waqti badan kuma qaadato, qibrad badan ayay ciidanku u leeyihiin inay xarunta ka saaraan, iyadoo aan shacabka wax dhib ah ka soo gaarin marka laga furanayo goobaha ay weerarka ku soo qaadan, ciidanka waxaan ku bogaadinayaa inay ka hortagaan dhagarta ay maleegayaan Argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay doorka ay ku lahaayeen fashilinta weeraro dhowr ah oo ay Shabaabku bulshada ku gumaadi lahayd, waxaana uu intaa ku daray in shacabka la’aantood aysan ciidamadu wax qaban Karin, loogana baahanyahay inay sii xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga ee dowladda.