Kooxda Horseed SC oo 3–2 kaga guuleysatay kooxda Tala'ea El-Gaish SC ee Masar

0
Sunday October 25, 2026 - 23:38:30 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Horseed SC oo 3–2 kaga guuleysatay kooxda Tala'ea El-Gaish SC ee Masar

    Kooxda kubadda cagta Horseed SC ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah oo 3–2 ah ka gaartay kooxda Tala'ea El-Gaish SC ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Masar, kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay dalka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Horseed SC ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah oo 3–2 ah ka gaartay kooxda Tala'ea El-Gaish SC ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Masar, kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay dalka Masar.

Laba gool oo uu dhaliyay weeraryahan Daniel iyo gool uu ku daray kabtanka kooxda, Farxaan, ayaa Horseed SC u horseeday guushan qiimaha badan.

Guushan ayaa ka tarjumaysa awoodda kubadeed ee kooxda Horseed, oo ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa ciyaartoyda, maamulka, macallimiinta iyo taageerayaasha kooxda Horseed SC, iyadoo ku ammaanaysa guusha ay usoo hoyiyeen dalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay sidoo kale kooxda Horseed SC u rajaynaysaa guulo intaas ka badan iyo horumar joogto ah, si ay mar walba sare ugu qaaddo magaca iyo sharafta Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip