Dowladda oo Digniin ka soo saartay faafinta dacaayadaha argagixisada iyo maleeshiyaadka gacan-saarka la leh

0
Tuesday October 20, 2026 - 00:13:43 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 15
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Digniin ka soo saartay faafinta dacaayadaha argagixisada iyo maleeshiyaadka gacan-saarka la leh

    Iyadoo la tixraacayo Sharciga Saxaafadda, Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, Sharciga Wax-ka-beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Xeerarkii hore looga soo saaray ka-hortagga fa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo la tixraacayo Sharciga Saxaafadda, Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, Sharciga Wax-ka-beddelka Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Xeerarkii hore looga soo saaray ka-hortagga faafinta dacaayadaha argagixisada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku waxay mar kale digniin adag u diraysaa dhammaan hay'adaha warbaahinta, mareegaha iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada ee sida ula kac ah uga qaybqaata diyaarinta, faafinta dacaayadaha Argagixisada iyo Maleeshiyaadka la midoobay cadowga Khawaarijta ah ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aqbalayso in warbaahinta iyo baraha bulshada loo adeegsado abaabulidda weerarro, dhiirrigelinta ku biirista kooxaha argagixisada ama kicinta rabshado hubaysan oo lagu qalqalgelinayo amniga dalka, laguna barakicinayo shacabka Soomaaliyeed.

 

Cid kasta oo lagu helo inay si ula kac ah warbaahin ama akoon baraha bulshada ah ugu adeegsatay ka qaybqaadashada ama gacan-siinta falalka dembiyeed ee kor ku xusan, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Qof kasta oo warbaahinta ama baraha bulshada u adeegsada fal dembiyeed, oo ay ku jiraan gacan-siinta, maalgelinta ama dhiirrigelinta falalka argagixisada, waxaa lala tiigsan doonaa shuruucda khuseeya, iyadoo lagu salaynayo caddaynta iyo mas’uuliyadda qofka.

 

Cid kasta oo caddayn ku filan loo helo inay si ula kac ah taageero maaliyadeed u siisay argagixiso ama ka qaybqaadatay maalgelintooda, waxaa la horkeeni doonaa caddaaladda, si waafaqsan sharciga.

 

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa hay’adaha warbaahinta iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada inay ka waantoobaan falalka kor ku xusan, una hoggaansamaan shuruucda dalka iyo anshaxa saxaafadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip