
RW Xamsa oo Guddoomiyey Kulan Amni Isaga oo Ammaanay Guulaha Ciidanka Qaranka
Munaasabadda, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; Wasiirka Amniga Gudaha; Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud; Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho; Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA); Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed; iyo madaxda talisyada iyo saraakiisha ciidamada kala duwan.
Kulankii ka horreeyey munaasabadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amniga Muqdisho. Warbixinta ayaa lagu sheegay in falalka amni-darrada caasimadda ay hoos u dhaceen 86.06% intii u dhexeysay 2023 iyo 2026, kaddib hirgelinta qorshe amni oo xiriir ah.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga iyo difaaca, si loo dhowro badbaadada shacabka, loona adkeeyo xasilloonida caasimadda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ciidamada ku ammaanay guulaha laga gaaray sugidda amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta guulahaas iyo ka hortagga fal kasta oo wax u dhimaya amniga shacabka.
"Qofna yaanan laga yeelin in uu amniga ku ciyaaro, qofka uu dooniba ha noqdo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.












0 

RW Xamsa oo Guddoomiyey Kulan Amni Isaga oo Ammaanay Guulaha Ciidanka Qaranka
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku shir guddoomiyey kulan looga hadlay amniga caasimadda Muqdisho, kaddibna ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusay ciidam