Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Difaaca Afrika

0
Friday October 09, 2026 - 00:28:33 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Difaaca Afrika

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kampala kaga qaybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta la soo gaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kampala kaga qaybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta la soo gabagabeeyay, kaddib saddex maalmood oo uu socday.

Shirka waxaa ka qaybgalay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal Afrikaan ah, Midowga Afrika iyo urur goboleedyo, waxaana diiradda lagu saaray doorka ciidamada ee hawlgallada aan dagaalka ahayn, sida ilaalinta nabadda, ka jawaabista musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

 

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, oo shirka soo xiray, ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga, isku-duwidda iyo wada shaqaynta ciidamada Afrika, gaar ahaan hawlgallada milatari ee aan ku salaysnayn dagaallada caadiga ah.

1000037657.jpg
1000037658.jpg
1000037659.jpg
1000037654.jpg
1000037655.jpg
1000037656.jpg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip