
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEER SHAQO KU TEGAY TALISKA CIIDANKA CIRKA SOOMAALIYEED
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdiqaadir Maxamad Nuur Jaamac, oo uu weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeer iyo booqasho shaqo ku tegay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.






Kusimaha Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka, waxaana Taliska kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan qorshaha dib-u-dhiska iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday taageerada Dowladda Federaalka iyo dardargelinta qaybo muhiim ah oo ka mid ah dib-u-dhiska Taliska.
Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Kusimaha Madaxweynaha booqashadiisa iyo ballanqaadka uu ku taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarinta Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Booqashada ayaa kusoo dhammaatay qado ay masuuliyiintu kula qaateen Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.








0 

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEER SHAQO KU TEGAY TALISKA CIIDANKA CIRKA SOOMAALIYEED
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdiqaadir Maxamad Nuur Jaamac, oo uu weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeer iyo booqasho shaqo ku tegay Taliska