
RW Xamsa Cabdi Barre oo Tababar u Soo Xiray Dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab
Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Shahiid Gaashaanle Xasan Tuure ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah taliyayaasha ciidanka, macallimiintii bixiyey tababarka iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ciidanka kula dardaarmay inay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo soo celinta xasilloonida dalka. Wuxuu sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay laf-dhabar u yihiin hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah iyo kuwa caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ciidanka faray inay ilaaliyaan midnimada dalka, sharciga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guusha laga gaarayo dagaalka ay ku xiran tahay isku-xirnaanta hay’adaha dowladda, ciidamada iyo shacabka.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ciidanka ugu hambalyeeyay dhammaystirka tababarka, isagoo sheegay in askarigu uusan kaliya ahayn qof dagaal gala, balse uu yahay masuul qaadaya waajibka ilaalinta qaranka iyo shacabka.
Wasiirku wuxuu kula dardaarmay ciidanka inay ku dhaqmaan anshaxa iyo shuruucda ciidanka, ayna muujiyaan daacadnimo, feejignaan iyo masuuliyad marka ay gudanayaan waajibaadkooda. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay inay ilaaliyaan sharafta iyo sumcadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dhankiisa sheegay in xoogga la saaray kor u qaadista tayada ciidanka, gaar ahaan tababarka iyo horumarinta xirfadaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran.
Taliyaha ayaa sheegay in Dufcadda 12-aad ee Danab ay heshay tababar u suurtagelinaya gudashada waajibaadyo ciidan oo culus, isagoo ku boorriyay ciidanka inay aqoonta iyo xirfadaha ay heleen u beddelaan karti iyo waxqabad muuqda oo ay uga adeegaan dalka.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ay ciidamadu ku barteen muddadii uu socday tababarku, iyadoo ay muujiyeen heerka xirfadda ciidan ee ay gaareen iyo diyaar-garowgooda ku aaddan ka qaybqaadashada hawlgallada lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada ah iyo kuwa ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliya.





















0 

RW Xamsa Cabdi Barre oo Tababar u Soo Xiray Dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ay