MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

0
Monday October 12, 2026 - 21:07:16 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka umm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka qayb qaatay cutubyo ka kala socday Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si xirfad ciidannimo ku dheehan tahay u muujiyey sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay qiimaha taariikheed ee maalinka 12-ka Oktoobar iyo kaalinta uu Calanka Soomaaliyeed ku leeyahay sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in calanku yahay astaan ka tarjumaysa midnimada shacabka, himiladii xorriyadeed iyo naf-hurnimadii halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay gobanimada.

 

Munaasabadda maalinta Calanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka sare, Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.



IMG_4995.jpeg
IMG_4980.jpeg
IMG_4978.jpeg
IMG_4975.jpeg
IMG_4976.jpeg
IMG_4977.jpeg
IMG_4972.jpeg
IMG_4970.jpeg
IMG_4971.jpeg
IMG_4968.jpeg
IMG_4967.jpeg
IMG_4966.jpeg


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip